yaa yidhi ma jiro caashaq
oo jaahilnimo sheegtay
dhibso yaa jacayl mooday
oon garan jibada haysa
kuna sheegay jeefaafka

jibadiisa mooyaaane
jacda xiise yara qaaday
oon sii jirayn maalmo
yaa yidhi jidhkuu raacay

waa been dheh jaanqaaday
ama waa jidiin gooyo
adigoo jaldiga eegay
waar bahalku waa jawhar
jano gaaban weeyaane
jaahwareer halaga daayo

kama daalo jeedaalo
hadba geesta ay joogtoh
oo kamana soo jeesto
markaan dhaayo jaaheeda
ku jiheeya laabtayda

waran caashaqbaa jiidha
wadnahana jugbaa gaadha
oo jidhiidhicaa saaqda
uurkayga iyo jiidhka

Exit mobile version