agagaarka hawdiyo
sida idhanka laanqayr
oo mayay aroor hore
inta uu ku ibo furay
cadceeduna ilaysiyo
ku eekaysay nuuroo
markaad eegto daymada
ashqaraar ku dilayaad
adna iiga dhigan tahay
tii asluubta gaarka ah
eebaheen ku deeeqaay
ismahaan intaan jiro
iggu ogid jacaylkaan
afka kaaga sheegtee
adna dhawr itaalkaa

arxankii kalgacalkiyo
aayatiinka noloshaay
taan ulashadeedii
uurka hoose galiyaay
ku ag xdhay wadnaha iyo
ubacda iyo beerka
taan arad dhulkeenii
waxa aynigeed jira
hablahaba ka eegtaay
tii asluubta gaarka ah
eebaheen ku deeqaay
ismahaann intaan jiro
igu gid jacaylkaan
afka kaaga sheegte
adna dhawr itaalkaa

Exit mobile version