qaranka dhifibada ragba u dhigo
u shubay dhiigoo nabada dhaliyee

miyaan dhibyaraan ku dhidbay calankoo
mar kale dhalanteed ku dhiibi karaa

dhulkeena bulshooy inaan dhisanaa

ninkay dhibaysee cidlada ka dhurmaa
midnimo dhimatuu ku sii dhaganyee

dhegaha ugu rida inaanay dhacayn

maantoon dhisanahay ma dheeliyayside
dhankayga hadaan dhaqaale helana

dhib kuuma ahoo ma dhaawacmayside
samaad ka dhaxliye riyada iska dhaaf

runbaan ku dhaqmaa taariikh dhigano
dhaydii xornimaan nabada ku dhamaa

dhulkeena bulshooy inaan dhisanaa

ninkay dhibaysee cidlada ka dhurmaa
midnimo dhimatuu ku sii dhaganyee

dhegaha ugu rida inaanay dhacayn

Exit mobile version