nuqul laygu dheehiyo
nuskii laygu dhaabiyo
nafti laygu dhararshaay
nuxurkii kalgacalkiyo
naxwihii jacaylkiyo
nahdii caashaqaygaay
nasabiyo gobaadeey
nasri iyo gargaareey
nagi iyo dulqaadeey
nabad iyo badbaadooy
nasiyaay mar nuuraay
nalka maanka daaraay
nud wadnaha ku taalo
lagu nabay dhexdiisay
si baan kuugu nugulahoo
waad igu dhex nooshahay

naskii layguu hiishiyo
nimco laygu deeqiyo
naxariistii dunidaay
nuurkii garaadkiyo
neecawdii laabtiyo
niyadayda jiiftaay
nabad iyo dhul doogaaly
nashaad iyo kal deeqaay
bili iyo nasiibeey
nlo iyo barwaaqooy
nasiyay mar nuuraay
nalka maaanka daaraay
nud wadnaha ku taaloo
lagu nabay dhexdiisaay
sibaan kuugu nugulahoo
waad igu dhex nooshahay

Exit mobile version