Inaan qiimo badantahay
qayrkaa u mudantahay
qaali hodan inaan tahay
mid qiraayo baan ahay
sina kuu qadariyo

inaan qoys yagleelshaan
reer wada qorsheysaan
qalbigiisa warantee
ila qaybso cishqigoo

Qaaanunka weheshiga
qalad aan ka dhowrnee
dacalkaga qabo oo
ila qaado waayaha

Inaad qurux u eheel tahay
qarniga u sidato qureeshtii
habalha tahay qofna diidi mayee
balse waxaad u qalantaa

Midka kuu qarwaye
xushmad qoorta kuu sura
sida aniga oo qura
ila qaybso cishqiga

Qaaanunka weheshiga
qalad aan ka dhowrnee
dacalkaga qabo oo
ila qaado waayaha

Exit mobile version