qofbaa tahay aan ku qoray
qalbiga labadiisa dhinac
qofbaa tahay aan huray
qudhiyo ruuxdiyo bogoo
qiimana aduun aan ag dhigay
markaad qososhaan qoslaa
waxaan quudkana cunaa
markaan qaadada sinee
ilkaha ugu qaybsanee
gacalo aqal iyo adigaa
qolqolkaaga dhigay
waatane qaada deg oo
qabsoo waligaa ha dhigin

qofbaa tahay aan ku dago
markaan qooraansi dayo
qofbaa tahay aan u qabo
qisoyo qaraw iyo haraad
hadii aan qadar yar tabo
markaad qaabisheed naftani
qiimiyo sharafteed dhistaa
qabaw hadhgaloon nastoon
qayrkey dhaafee qadraay
gacalo aqal iyo adigaa
qolqolkaaga dhigay
waatane qaadoo degoo
qabsoo waligaa ha dhigan

Exit mobile version