sidaa tahay dhool gu,iyo
dhulkoo mahiigaan cuskaday
dhamaan rayskiyo nimcada
xareeda la dhaamiyooo
dhirtana ubaxa ka baxay
dhalaalka shacniga ku yaal
ishii dhugataa mar qudha
dhab ay u xadraynaysaa
ayaad iiga dhigantahoo
naftaydaa kula dhacdee
dhabeel noloshaydiyeey
dhuuxiyo ruuxdiyo jidhkaay
naftaydaad hubaal dhistee
dhidibka caashaqa u adkee

sidaa tahay dhaayihiyo
dhiigiyo xididada shaqada
dhagaha maqalkoodiyo
xiskaan wax ku dhaadayee
saynabeey i dhex qaadayoo
shishaad iigu dheertahee
qalbigaad ku dhamaaataybaa
kunjeer kuu dhololayee
cishqiga aan wada dhanee
dhexdiyo laabta igu qabo
dhabeel noloshaydiyeey
dhuuxiyo ruuxdiyo jidhkaad
naftaydaad hubaal dhiste
dhidibka caashaqa u adkee

Exit mobile version