surbacaadka caashaqa
maku saamaleshaa
saqda dhexe habeenkii
miyaa lagu salaamaa
jiifka maad ka salashaa
xaga sare ma eegtaa
surmigii adoo qaba
sanqadhaba ma waydaa
samir taag la,aaneed
maku seexataa meel
sahal maaha caashaqu
been lagu sasabayee
ma sal dhigay kashaadii

amba salawga caashaqa
waan kuula simanahay
mana samir darnaanine
wali waan ku sugayaa
lama helo sirtaydo
cidna kuma su,aaline
hadba waxaad ku sugan tahay
haatuf kula socdaan ahay
kuu saafay hadalkee
maxaan kuu sameeyaa
kugu sooray maankee
sal fudaydku waa dhibe
isa seegi maynee
ha saluugin waayaha

Exit mobile version