jacayl ma idlaado ugubnimo
abaal la musuugay umalkee
ma awdmo xaqii la aabudho
jirtoo la adkeeyo uu iman

afkeeda maldahan ogaalshee
nimaan wax il duufin lama arag
arbiyo geesi waa ka aarsada
uugaabo nin laa la oogsada

hadaan ku amaano waa ii olol
hadaan ku irdheeyo waa ii iil
hadaan aamusana ma eed bixin
amuurahan oodan ibo furo

caashaqu ma abaaro oogada
aqoolku afeef ku sheegay gar
ergada anaa footay waa eex
ajawday gartiina eel horee

eegmadu cishqi way abqaashaa
haduu ku astaysto waa amar
horaad nin ahaa la eedaad
alaale ma iisho aafada

Exit mobile version