Inkastoon wanaag iyo
wehel kaa sugaayoon
Inkastoon wakhtiga qaar
kugu weehan jiray

Markaad wada jirkeenii
Wiiqda ii gardheysaan
Wehey wehey kaa calool go’ay

Waayahii i luri jiray
Haduu wiida kaa dhigay
Markuu wanaag u ekaa
Wa taad iga weecatee

Caashaqa warkiisiyo
Wadhidiisa ila arag
Dhaaxaan walwalayee

Inkastoon waxyeeliyo
kaa ilaalin jirey wadhi
Inkastoon wadnaha jeex
Kaaga waabay hooy wacan

Markaad iga wareegtaan
Ana kaaba weecdoon
Wehey wehey kaa calool go’ay

Waayihii i luri jiray
Haduu wiida kaa dhigay
Markuu wanaag u ekaa
Wa taad iga weecatee

Caashaqa warkiisiyo
Wadhidiisa ila arag
Dhaaxaan walwalayee

Lyrics by: Foowsiyo
Saxid by: Mustafa
Saxida labaaad : Nasri

Exit mobile version