Ma anaan ku soo xulan
Ma adaa xigsiisana
Ma anaa an kuu xilan
Ma adaan kal xaadhnayn
Ma anaa xagaayo leh
Ma adaan xishoonayn
Ma anaa xujuun wada
Ma adaa xasarad jecel.

Ma anaa xilkay gabay
Ma adaa xumaan wada
Ma anaa xanaaq badan
Ma adaan xaqay garan
Ma anaan xisaabtamin
Ma adaa xajiin jecel
Ma anaa xifaaltama
Ma adaa xad-gudub raba

Exit mobile version