xamdaay midabkaaga nuurka
la moodo xariir dhalaalka
xubnaha qoran iyo hubqaadka
xasuusta ku reebay maanka
aya xanxantada jacaylka
ku xawilay oo dareenka
adaa xidigyahay hawenka
u mudan quruxdiyo xishoodka
xabiibi anguna gayaanka
adaan kaa xushee haweenka
goormaynu xusnaa jacaylka
xaflada qabanaa arooska

markaan kaa helay xaqdhawrka
ayaad sida xareeda roobka
xiisihii igu ladhay haraadka
xaqiiq ka dawaysay beerka
xasadka kala dila gayaanka
u kala xada been abuurka
adoo ka xafiday jacaylka
xog teena ka qari namiimka
xabiibi anniguna gayaanka
adaan kaa xushee gayaanka
goormaynu xusnaa jjacaylka
xaflada qabanaa arooska

Exit mobile version