VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hays daalin mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Muuse Ismaaciil Qalinle
Hays daalin

Sida Damal Barwaaqo ah,
Webi Dacalka Kaga Yaal,
Oo ay Dushii Sare,
Duruuruhu Hadheeyeen,
Dayaxuna Dhankaa Beri,
Kaaha uga Soo Diray,
Dooggiyo Caleentuna,
Ka Dadeen Hareeraha,
Oo Aan Dabayshiyo,
Duufaanku Soo Gelin,
Dugsigiyo Gabboodkuna,
Hoostoodu Dadan Tahay,
Waad I Deeqday Anigoo,
Dumarkaan Jecleysee,
Goormaynu Derisnaa

sahra axmed

Doqon baa amaaniyo faan kuugu darartee ,
Da’dey kama qab weyniye dadka hayga saarine.
Adoon duurka soo xulin waxad uga danleedahay
Dadaaduba hamaqashee dildilaaci hadalkoo
Halkay doon kaleedahay
Maxaa heedhe kuu daran,
Goormaan dabkugu shiday?
Dabayluhu ku qaaqaadeen…
Haysdaalin adiguna anigoon wax kuu diran
Dawo kuuma noqonine

muuse ismaaciil

Dadka kaama saarine
Waa kuu dan sheegtoo
Iga daacad weeye
Deel qaaf ha moodine
Dirirkoo hilaaciyo
Sida hogol da’aysaa
Duhurkiyo habeenkii laykaa dulkeena
Lama dido jeceelkee
Boogtiisa caashaqa ha damqinee ka daayo aan is daa dahaayne
waad i deeqday anigoo haaa dumar kaa jecleystee
goormaynu derisnaa ?

sahra axmed

Alaylehee daleeliyo dibid baad ordeysa
Dibin daabyo iyo hawl haku doonan lugahee
Adoo duud shareed lihiyo
Degan dooxa iyo rays
Damac yuu ku qaadine waa daliilsan doontaa
Iminkaba isdaba qabo
Deer hayska sii ridin
Dabna ha isku sii shidin
Yuu ku dilin jaceyl kuye
Ha is daalin adiguna anigoon wax kuu diran
Dawo kuuma noqonin

codkii Muuse Ismaaciil Qalinle