Jimicsagay talaabada
Hadba baad u qaadiyo
Joogsigaa hanaanka leh
Goortay jalaq ka siisaa
Waa intaan ku jecelee
Aha Aha Aha.. 2X
Joogahaa maqan baan ahee
Maqanaha joogaan ahee
Aha Aha Aha.. 2X

Jirid weynta geedaha
Halkuu jidib u jabiyaa
Anigana jacaylkii
Dhidhka ii dhex qaadayoo
Jeex igama joogee
Aha Aha Aha.. 2X
Jaaheeda nuurka leh
Ba i jiidanaayee
Juuq uma idhaahdeen
Hadaan jari karayee
Aha Aha Aha.. 2X
Joogaha maqan baan ahee
Maqanaha joogaan ahee
Aha Aha Aha.. 2X

Jixiimiyo jacaylkaa
Jahannama ka kululoo
Ruux jaliil ku beeraa
Nolol kala jaciirtoo
Ifka joogi maayee
Aha Aha Aha.. 2X
Jaaheeda nuurka leh
Ba i jiidanaayee
Juuq uma idhaahdeen
Hadaan jari karayee
Aha Aha Aha.. 2X
Joogaha maqan baan ahee
Maqanaha joogaan ahee
Aha Aha Aha.. 2X

Exit mobile version