Cirkoo da,ay ciidoo nugul
Ciidoon biyaha liqin
Calcalyada xareedoo
Ceegaato gudumada

Shimbiruhu cod iyo luuq
Jiibta isku celiyaan
Shimbiruhu cod iyo luuq
Jiibta isku celiyaan

Cararaa shabeelkiyo
Cawshu is weheshadaa
Oon cuudi islaameed
Cabsi looga qabin bahal

Cimilada qurxoon
Inagoo ku ciidnaa
Caqligu ii sawirayaa

Cirkoo da,ay carada nugul
Ciin wada cagaar loo
Ubax baar casuusliyoo
Caleemuhu is gaadheen

Jawi caafimaad loo
Carshi iyo xanuun jiree
Jawi caafimaad loo
Carshi iyo xanuun jiree
Madiixaga sare u wadoo
Culimadu ka rogayaan
Oo caamo iyo sheekh
Carafkooda la aqbalo

Cimilada qurxoon
Inagoo ku ciidnaa
Caqligu ii sawirayaa

Exit mobile version