Midnimo somaliland
Dhagaha dhaqankiyo dadnimo
Ayaynu ku meel marnoo
Dunida dunida kaga muuqanee
Dunida dunida kaga muuqanee

Adkee mudnaanta qaran
Markii la inaga dhaxiyo
Mudiyo xiligay maqnayd
Ka maynu hadhi maalinoo
Naf iyo maal loo huree
Muruqbaa lagu soo hantiyay

Arlada calan midab quruxsanoo
Tawxiidku ku meersan yahay
Arlada calan midab quruxsanoo
Tawxiidku ku meersan yahay
Dalkeenanana maanta sudhan
Inagaa u madax banaan
Dalkeenanana maanta sudhan sudhan
Inagaa u madax banaan

Maandeeq somaliland
Mar kale ciideedaa xornimo
Inagoo miisaan u idil
Ku malay ku malay caanaheedoo
Ku malay ku malay caanaheedoo

Ilaashada magaca daran
Dhulkii aynu soo marniyo
Dhibtiyo mahadhooyinkii
Nabsi idiin maal
Kiina waa helnoo
Barwaaqa mug buuxda iyo
Masnaa nimco lagu jiraa

Arlada calan midab quruxsanoo
Tawxiidku ku meersan yahay
Arlada calan midab quruxsanoo
Tawxiidku ku meersan yahay
Dalkeenanana maanta sudhan
Inagaa u madax banaan
Dalkeenanana maanta sudhan sudhan
Inagaa u madax banaan

Exit mobile version