Jacayl waa dhimbila o
Waa dhamac la shidayoo
Ku dhalaalinaayee

Dhibyaraantu igu helay
Ma dhadhamiyo oontoo
Adaa dhayaaya nabarada
Dhakhtradu ka quusteen

Alla dheeridaayey
Jabuuti miyaand ku nooleyd
Ma dhadhaabo culus baa
Ina kala dhexyaaloo
Soo dhaafi la’dahay

Sida dhool gu’yoo da’ay
Ama dheeman lacageed
Ayaad ii dhalaashaa
Qof sidaadan loo dhigay
Dhabar laguma qaadine
Qalbigaad ku dhigan tahaye
Rabow aanad hortay dhiman

Qalbigaad ku dhigan tahaye
Miyaan kaa dhargaayaa

Alla dheeridaayey
Jabuuti miyaanad ku noolayn
Ma dhadhaabo culus baa
Ina kala dhexyaaloo
Soo dhaafi la’dahay?

Exit mobile version