Waxa dumarka geeliyo
Dahab looga bixiyaa
Ama doodiyo faras
Haween loo dir soocaa
Waa dawga noloshee

Adna dahab la moodyeey
Saw dumar dhamaantii
Adna dahab la moodyeey
Saw dumar dhamaantii
Haween kaama daya,oo
Naftu kaama door bidin

Sida daaqsin roobaad
Iyo dooga ubaxa
Kuu daawadaayoo
Kaa daali maayee
Dawooy ha iga dheeraan

Amba duug jacayloo
Mudo dadandadaayoo
Gashaday naftaydana
Igu soo duxaayoo
Waa isla doonasho ilaah

Caashaqaan daryeelayee
U dadaali jirayee
Caashaqaan daryeelayee
U dadaali jirayee
Durbaankiyo cayaaraha
U dabaal dagaynaa

Sida daaqsin roobaad
Iyo dooga ubaxa
Kuu daawadaayoo
Kaa daali maayee
Dafloow ha iga dheeraan

Marka aad darmaanyahay
Dega ida talaabada
Dhakhsadii u socotaa
Anaa dookha cashaqa
Dib usii didaayaa

Daabaca xariirtiyo
Waxa tahay dun iyo shaal
Daabaca xariirtiyo
Waxa tahay dun iyo shaal
Duruuc lagu daleetiyo
Hamigaa ku doortee

Sida daaqsin roobaad
Iyo dooga ubaxa
Kuu daawadaayoo
Kaa daali maayee
Dawooy ha iga dheeraan

Ruuxii daryeelee
Caashaqa daneeyiyo
Daacadiima ii sheeg
Damal hadhac qabow iyo
Dugsi lagu nagaado

Midkii aan dabaylaha
Dibadaha u marayee
Midkii aan dabaylaha
Dibadaha u marayee
Doondooni jirayoow
Daa,inbaa isku keen simay

Sida daaqsin roobaad
Iyo dooga ubaxa
Kuu daawadaayoo
Kaa daali maayee
Dafloow ha iga dheeraan

Exit mobile version