wadartii haweenkay
gabadhyahay wax dheertahay
waxyahaagan simaniyo
wajigaagan quruxda leh
wanaaga u dhalatee

nafta weerar galisa
waxa nool aduunyada
adaan kugu warwaraya
warna iima hayside

waanadyaydan maqaloo
hadii weyne nagu simo
jacayl aan wadaagne
adna ha i waxyeelayn

jacaylbaa ilawaado
ii wadoo anigee
i walwaalanaayo
kolna waaban maaye
wacadkii xasuusto

wanaagii naftaydaay
weedhad tidhaahdaba
wadnahayga ku taala
warna iima hayside

waanadyaydan maqaloo
hadii weyne nagu simo
jacayl aan wadaagne
adna ha i waxyeelayn

Exit mobile version