noloshu waa wada qordoofyo
qaxar laga waaayi maayo
jaceylkana qulub ma seego
markuu calaf qiil ka waayo
jaceylkan wada quweynay
quweynay qiil uyeelnay
qolfooftiyo guuxda hoose
dareenka ku quudinaynay
sidii qoyskiinu yeelay
kumuu noqon tacab khasare
qofaan qalbigaagu raacin
hadii qasab lagugu siiyey
adigu qalad ha isa saarin
ileen sidan baa qorneyde

shalay riyadaan qorsheyney
oo deyney wada asteyney
haduu ka adkaaday qaybku
oo ay qabyo noqotay maanta
sidani qadar bay ahayde
indhaha haka qarin xaqiiqda
ilamna ha uqubin xasuusta
qabweyne kuwaajah xaaladaha
aan qosol lagaa filanaynin
ha filan qandhadiyo xanuunka
inaan qol madow la jiifo
ha filan nabdigayga qayb yar
inaan naxli kuugu qaaday
ha filan qof dad kaa jeclaaday
inaad qoortiisa goysay
ha filan inay qoonhi gaadhay
qadarin baan kuu hayaaye
rajaynin qum qumaatayee
nolosha qalqalooca keentay
ha filan qandhadiyo xanuunka
inaan qol madow la jiifo
ha filan nabdigayga qayb yar
inaan naxli kuugu qaaday
ha filan qof dad kaa jeclaaday
inaad qoortiisa goysay
ha filan inay qoonhi gaadhay
qadarin baan kuu hayaaye
rajaynin qum qumaatayee
nolosha qalqalooca keentay

Exit mobile version