Nafsad uu jidiinkeedu
Uu yaheyba jaahaaga
Kaa jeedsan kari weydey
Naf u jeelan ruuxdaada

Dareenadan jibaaxaaya
Jismigeygan badidiisa
Xasuusahan is jiidhaaya
Qalbigana jiheynaaya
Jidhka ruuxda mooyaane
Niyadeydaa kula joogta

Qalbi jecel ag joogaaga
Oo raba la jaar kaaga
Hadalkiyo jawaabtaada
Jewigiyo macaankiisa
Farxadeena jirideeda
Ma wax loo dhigaa jira
Farxadeena jireeda
Nacabkaa jidh gubanaaya

Caweysyada jaceylkeenu
Janadii if weeyaane
Bariirada u joogteeyo
Una jixinjix laabteyda

Kashan kuu jibooneysa
Jimcahana kol soo booqo
Hana jirin jaceylkeena
U adkee bal jiridiisa
Yaanu jarin namiimkeenu
Xididada jaceylkeena.

Exit mobile version