Qalbigaad mulkidaad muraayad u tahoo
Maskaxda degtey baad miirka u tahoo
Adaa maankeygan maamushayoo
Naftaa u mabsuudey muuqaagee
Macnaha kalgaceyl mudaad i bartoo
Farxada maarey baad masuul ka tahee
Marxaba laabteydan mudan tahee.

Adaa malabkiyo ka roon miskigoo
Sidii midhahaad macaan badan tahee
Hadaad marwo uun mar ii noqod leyd
Miyaan minyaroba miciin bidayaa.

Adaa ugu mudan marley dumaroo
Midabka quruxdee mariinka dhalaay
Sharaftaad mulkidaa markhaatiyoo
Makhluuq dhamaan tii kuu maragee.

Qalbigaad mirataa muraaqoodoo
Dartaa muxibada la miiraadoo
Mudaba kalgaceyl la maaxanayoo
Oo ani igu soo ma maaxdaa.

Exit mobile version