nafta haba haraad biiya
qalbi haga hankaybiisha
hadal saxa himilo biirsha
hubaal kali hablaha uunka
taan u heesayay haybshay

kaalay soo hirsoo habo
sidaa hogolku soo hoobo
soo heelaan soo haanka
soo hubqaado oo huuno
soo hawdheh soo hiiltaa

ihoo i hano i hawlgal
sida hooyo ii hagarbax
sida aabo ii maanhad
sida heego ii hooli
sida hebedka ii diidhoo

haanan quruxeey maaljoogley
xidigu waan hidaha dhaawraa
wanaag heero ii haneeya
hanka dhisa himaal mooye
hil doogle hablaha dhaaftay

kaalay ila hil ila hiijis
sida lis hur weyn ila hoori
ila habi dhan ila hiiso
oo heshiis hilaadeena
dhab u hay hareertaada

Exit mobile version