cawo iyo ayaanay
ninka kula caweeyee
ceesh kula wadaagee
carladyahay ku doonaa
calafkiisa noqotaa
cisi iyo wanaagoo
ku caano maaloo
cawo hela ma ciil mudan
adiguna cilaankiyo
cusburka isku duugoo
caashaqa adkeeyoo
midaan kugu ciyaarin
allow cududa kuu gali

raga caynba caynoo
kala cimiloo weeyoo
caaqilkiyo wxgaradkee
cawayahay ku naasiba
cadow kaa ilaashaa
cidla kaaga taginbaa
ku calool adaygtaa
markuu cagaha soo dhgo
adiguna cilaankiyo
cusburka isku duugoo
caashaqa adkeeyoo
midaan kugu ciyaarin
allow cududa kuu gali

Exit mobile version