Ayaanay indhuhu heedhe
Aday kugu nastaan kowdhe
Adaa uurkan iyo maanka
Ayaanay kunool huuno

Afkayguna amaantaada
Inuu tiriyo dayn maayo
Adaan ubaxyo kuu beeray
Asaagana kaa soocday
Adaan kuu irmaanaday

Adigaa ayaanay iftiiniyo ilayseey
Adigaan ishaarooy ugbaadiyo udgooney
Adigaan aduunyada aadmiga kuwada nool kaa aminaayoo
Waabad igu wayntahay

Ayaanay dayaxu nuurka
Xidiguhu ku tabiyaaye
Adiguna xaqiiqdayda
Adaan kuu sharaxayaaye

Aduunyadaa intaad joogtaad
Idilkood haweenoo dhan
Ooridaydii noqotee
Naftu ku ogolaatoo
Adaan kuu irmaanaday

Exit mobile version