Intuu damac igu habsado
Miyaan daadihin mid kale
Anoo kuu waba daryeel
Adoon dajiyaay i dhibin
Miyaan dumar kale hamiyi

Adoon docna igu banayn
Darmaan kale seen u tabi
Agtaada hadaan ku dagay
Miyaan darmo kale xamili

Qalbigan kuu daacada ah
Haduu afar qaadi karo
Adaan kuu dooray kali
Dawooy maankiyo wadnaha
Ku daashoo labadaboo
Si aan ruux kuula dagin
Qalbiga daranyada ka dhawr

Raaliyo nina kama durkee
Hadaad ii dabacsantay
Miyaan daydayi mid kale
Qayrkaa intaan soo dalbado
Da'daa kula guursan adi

Adoon marna ii darnaan
Marna ii darnaan
Daldoorso miyaan is odhan
Damiirkii kuu bogiyo
Dadnimadii maan xawilin

Exit mobile version