ku bartay maalin khayrle kugu beegmay
kuu bandhigay jacaylka bil ciida
igu tidhe bishaaree bogaadshay
farxad buruuray goortaa bilaahi

qiso caashaqoo ba'an wadaagnay
buugaag biladaha qoroo ku abuurnay
mudo badan dadaashee bogsoonay
barakana kalgacalkii keeenina yeelaay

naftaan isu bixin lahayne balse lama awoodaayo
wadnaha iyo bu'daa wiilka waynu kala badalanlayne
bini aadmibaan gaadhin

ku boqray kaala soo baxay bilisoo dhan
ku bogsaday bilaahi agtaada
baxnaanada naftayda adaa ah
farxad badana ana ii bilaabay

ku bahawnay noloshoo midawnay
isku baahi noqonoo is deeqnay
biligeen wacnaayoo badhaadhnay
barakana kalgacalkii keeniina yeelay

Exit mobile version