geesigaan barbaartiyo
boqolaal rago idil
kala soo dhex baxaayo

bildhaan qurux wanaagey
bu arag wiilkiyo
wadnahaygii bidixeey

waxa tahay badhkaygoo
adiga bogaygiyo
beerkayga kugu qoray

anmba bilis haween iyo
inta baar ka filataa
adi kaa bildhaansadaye

markaan helay badhkaaga
nolosha ii buuxsantee
qalbigaa bog siise
macaanow barbarkayga taagnow

bu ada araga dhaaya
nolosha ii bildhaansay
qalbiga bogsiise
macaan qarqarkayga taagnow

Exit mobile version