sida dhul doogle ubax dhalaaloo
dhamaya xareedii badriya dhooleey
dhaayaha u rooneey dhaladeey aroos wacan

gaari dhawrsoon oo gab dhabiyo
asal ka dhalatoo dhaqan haboonoo
dhiiranbaad tahay dhiiranbaad tahay

dhabankaaga quruxdiyo dhaqanka suuban
waad u dhalatoo hablaha dhigaayaad
badriyaay qiimo dheertay

ALLE ha dhawree xasan dharaariyo
hooyo aaminaa edebta kugu dhalay
badriya dheemaneey kugu dhalay

dhexyareey arooskagana barkhad oo dhigaayaad
u dhaxday aroos wacaneey awlaad dhulkoogiyo
diintaba anfaca anfaca dhalaa
aamiin

Exit mobile version