waa laba goboo
way is guursadeen
waa laba casabo
oon ceeb lahayn

gabay lagu tilmaamiyo
guubaabo iyo hees
ragu uma gudboonee
geesinimadu waa qayb
RABI gaar u bixiyoo
karti lagu gudoonsado

ana gaaxda maansada
waxaan uga gol leeyay
halyaynimo nin goostoo
inuu gaadho darajada
geesinimo la wada qiray
liibaanbaan galbinaya

gabadh gabadh gaari dhaaftoo
marwo marwo guudka saartoo
habeen lagu gardaadshiyo
saamiya quruxbaan galbinayaa

gayaan loo duceeyoo
guurkooda dunidani
afarteeda geesood
looga sacab garaacoo
xul ahbaan galbinayaa

waydinkaa guulaystee
arooskiin ma gaagaxoo
raxmad aanan gudhin GUULE idin sii
wiilal iyo gabdhaba GUULE idin sii
raxmad aana gudhin GUULE idin sii

Exit mobile version