Todob da’ay arlada dhigay xareed Togaga buux dhaafshay
Oo tiirshay laamihi dhirtoo Ubax kasoo tuuray
Hoobaantu tuducyaysatoo Taxantay rooshaamo
Oo bilicda taaliyo nimcada Laga tagayn waayo
.
Xubno toosan muuqeedanbaa Lagu tibaaxaaye
Quruxdaba tusaalay u tahay Timo haldhaalayye
Ka tilmaaman qayrkeed halkay Toban dhex joogtaaye
Waa taajirnimadii ifkiyo Taajkii sharafeede
.
Allow taransan ii daa allow
Aday taada noqotaaye
Allow toosan ii daa allow
Aday noqotaaye
……………………..
Tamashlaynta socodkiyo xarago Tab u dhaqaaqeeda
Dhabanada labeentii ku taal Ee hanfigu taaban
Waa midaan tin iyo cidhib lahayn Xubin la tuuraayo
Todobaatan jeer bay indhuhu Togasho dhawraane
.
Ma taqaano dandaansigiyo Toocsiyo ceebe
Ma tidhaahdo hadal foolxuniyo Weedh ku turuqdaaye
Tartiibtiyo hidaha fiican baa Laga tixracaaye
Waa tiirka noloshiyo nimcada Lagu tabcanayaaye
.
Allow taransan ii daa allow
Aday taada noqotaaye
Allow toosan ii daa allow
Aday noqotaaye

Exit mobile version