xamdiyeey nafta taan u xulayeey
xubigiyo kal gacalkiyo xiisahan ku qabo
ma xisaabi karayee xidigtii haweenkaay
xilahaygiibaad tehee xurmad iyo xaqdhawr
xushmad aan dhamaanayn adaa mudan
xanaanaysay ubadkoo soo wada xambaartoo
xilkaagiina gudatoo xaashaa lilaahiya
adigaa xarago mudan
naftu tay u xilataay meel kula xerootaay
xuural cayntii dunidaay adigaa igu xeel dheer
xayndaabka guriga intaad wada xardhaysaa
xiligii yimaadaba xujo weeyi noloshuye
ma adigaa xanaaqaba xasuustii illahbaa
xabadkaaga lagu qoroo

Exit mobile version