muuqiyo aragtida qurxoon
markaan milicsiga ku dayo
mawjado kalgacaylabaan
muquurtaa aawadaayoo
mabsuudbaan kugu noqdaa

muftaaxii nolosha iyo
musbaax nuurayaad tahoo
mugdiga aan kaga baxee
adaa maankayga lehe
miyaan kaa maarmayaa

xubiga nafta magansatee
jacaylkii isoo martiyay
mudanihii soorayee
nolosha ila meel dhigoow
macaan magacaa ha jiro

maankiyo garashada ILAAH
kuu siiyay miliilicdee
naftaaad muxibada bartee
ku maaxisay jacaylka daran
mulkibaan kaaga dhigay bebe

qalbiga miyirkiyo xiskiyo
maskaxdaan kugu sadoo
adaa maamula hankoo
laabtana kama suulo ee
miyaan kaa maarmayaa

Exit mobile version