VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aabo - Lyrics

Maxaad ii dhago nuglaatay Dhismaha nolosheyda kaabtay Dhalaanimo igu daryeeshay Maxaad dhabanka ii salaaxdey Maxaad ii dhago nuglaatay Dhismaha nolosheyda kaabtay Dhalaanimo igu daryeeshay Maxaad dhabanka ii salaaxdey Dhabtaada maxaan ku seexday Maxaad dhabarka igu qaaday Maxaan dheeftaada quutay Maxaan lafahaaga dhuuxay Dhabtaada maxaan ku seexday Maxaad dhabarka igu qaaday Maxaan dheeftaada quutay Maxaan lafahaaga dhuuxay Dhiigaaga maxaan ku naaxey Maxaad dhaxam iga dugsiisey Maxaad damac iga hadhaysay Maxaad dhay igu durduurtay Oo si aan si aan si aaan Si aan dhakhso ugu badhaadho Dhiigaaga maxaan ku naaxey Maxaan dhaxam iga dugsiisey Maxaad damac iga hadhaysay Maxaad dhay igu durduurtay Si aan si aan si aaan Si aan dhakhso ugu badhaadho Dhibaato maxaad u jiidhey Markii aan dhaadanaayey Dhaqaaqaayeen istaagey Maxaad dhaxay tilmaamtay Dhibaato maxaad u jiidhey Markii aan dhaadanaayey Dhaqaaqaayeen istaagey Maxaad dhaxay tilmaamtay Maxaad dhaqan igu anqarisay Waxbarashada inaan dhameeyo Maxaad igu dhinac istaagtey Waxaan qeyrkay ku dhaafo Maxaad igu dhiiri galisay Maxaad dhaqan igu anqarisay Waxbarashada inaan dhameeyo Maxaad igu dhinac istaagtey Waxaan qeyrkay ku dhaafo Maxaad igu dhiiri galisay Maxaad aabo aabo i dhawrtay Maxaad ii dhabar adaygtay Maxaad door sugaysay waayo Adoo dhooldhoolintayda Dhamays tir dhaayahayga Inuu dheeliyo u diidan Maxaad aabow aabow i dhawrtay Maxaad ii dhabar adaygtay Maxaad dhowr sugaysay waayo Adoo dhooldhoolintayda Dhamays tir dhaayahayga Inuu dheeliyo u diidan Haday tamartii dhamaatey Dhamaatey Dhaayaha aragii yaraaday Yaraadey Inaan ku dhadhaamiyoo Dhaqaalaad mudantahoo Xaqaagu dhamaan maayo aabow aloow dambigaaga dhaaf aabow aloow dambigaaga dhaaf Haday tamartii dhamaatey Dhamaatey
Queue is empty
-- / --