Kalgacaylku dun weeye
Dhabar weeye mideeya
Laba dookhku heshiiyey
Adna deeqday kashayda
Anba diirada maankoo
Adigaa iska ah daacad
Dalbatoo u rabtaaye
Ka ogow qalin daarka
2x
Abuurtaadu ideeqday
Ku darandaaray muuqa
Oo da'da arki waayay
Ii dabiibtay dawaysayee
Dagtii laabta dugsiisayee
Oo da'da arki waayay
2x
Waan dareen hadlayaayee
Sidaan kuugu ducaystoo
Oo daneeya xubigeena
Oo jacayl lagu daydo
Laga dheefo duruus
Oo la daawado dhaaxaa
Ila daadihi qaali ila daadihi qaali
Ila daadihi qaali ila daadihi qaali

Waan dareen hadlayaayee
Sidaan kuugu ducaystoo
Oo daneeya xubigeena
Oo jacayl lagu daydo
Laga dheefo duruus
Oo la daawado dhaaxaa
Ila daadihi qaali ila daadihi qaali
Ila daadihi qaali ila daadihi qaali

Exit mobile version