aduunkiyo waayihiisa
dharaaraha waa ku dhaafa
waxay kuu sidaan duruuse
adiga uun ku waano qaado

waxaad waagii baryaba
sugtaa waligaa adigu
wixii kusoo maray marar badan
wanaag iyo walbahaar

ha warwarine dadaal
waqtiga adag ha uma jabin
waanada qaadoo ku dhaqan
noloshu waa dhoola tuse

waqtigu waa is daba maraa
qoraal weeyi runtii
WAYNAHA RABIBAA xukuma
wax walba calaf weeyi garo

adoo walbahaar ku haysto
aduunku kugu soo wareero
maruunbaad wehel ku jecel
WAYNAHA uun kuu hibeeyaa

Exit mobile version