jacayl baaxad waynbaa
bartaa wadnahaygiyo
boga iga fadhiistee

aan kuu bayaanshee
baxsanaw la'aantaa
baryo seexan waayo
ogaw waan ku busaylee

bilicdaada nuur
bildhaanta qurux
boholyow i galisee
hadmaad mcn soo noqon

baahidiisa caashaqa
igu soo butaacdoo
bartankeeda taagnee

barbaartaba dhamaantood
adaan kaala baxayoo
bu'da iyo wadnaha bidix
ayaad bayd ku leedee

Exit mobile version