Jacaylkaaaga ihaayo
Habeen hurdo kaama seexdee
Dharaartii ma hergalo
adaan kuu heelanahayee

Hubaal adigaa i hodoo
Halbawlaha dhiiga qaadiyo
halista wadnaha i jaree
hawaawiga adaa i baday
hugaygaan ku moodaya
haraadbaan kuu qabaa
hawada kaa daawada

Haddii aynaan is helin
ama aynaan wada heshiin
naftaydaan halaynayaa

Jacayl halis weeyiyoo
cilmiba waakii god dhigay
hodana maba ogee
siduu ugu heeranyahay

adaa laabtiyo hiyiga
adaa hadhsadoo hantiyay
halista wadnahay jaree

Hawaawiga adaa ibaday
hugaygaan ku moodaa
haraad baan kuu qabaa
hawada kaa daawada

Haddii aynaan is helin
amaynaan wada heshiin
naftaydaan halaynayaa

Exit mobile version