laf korkaan ku yeesho
laabtan ku qorayoo
lamaanahaygoo

adigaa libaga iyo
lulumaha jacaylkiyo
loolida dareenkiyo
ku linkaxa naftaydii

caashaqan i laasimay
sida leexo ii lulay
sida laydha ii maray
sida leebka ii ganay
goorma lurtiisiyo
lahaantiisa iga biin

laaskii jacaylkuu
looftonku helayo
iishaamahaygoo

adiga lubiga iyo
laxadka iyo damiirkiyo
xiska kugu labeeyayo
ku lifaysan maanke

Exit mobile version