noloshu waa qoraal socdoo
qisooyinku waa badaa
ALLAHA qaniyaa rog roga
qadartuna waa halkeed

qofbaa farxad haysta oo
wuxuu qabo aan waqtiga galin
isagaa qaatoo helee
ha qoonsan wixii cakiran

nafyahay murugada qabta
haduu wacad kaa qaldamay
ha moodin qiyaamihii
inuu kugu qadar dhacee
qalbigu ha u qaato cashar
qandhada caashaqa ilow

nolosha qaxar iyo wanaag
ayaa loo qaybiyoo
qofkaagii oo ku jecel
ayuu qadar kaa fogeeyaa

mid qudha weeyaan qalbiguye
hal qofbaana u qalma
haduu calaf kuu qaldamay
ALLAHA qaadiraa qoray

Exit mobile version