quruxdii hablahaa qarnigaay
qalanjiyo qureesh dumareey
qayrkeey midkan ka xushow
qalbigayga kii hantiyoow
qancisay kas kiyo maanka
kugu qoray boga iyo laabta
kalgacayl qudhaydana ku beertay
kuba lihid agtaydana qiimoo
quluubteena jaceylka mideeyay
niyadeenana qushuucda ku beeray
qormo doogle aan u yagleelno
qorshahaag waan kula qaatay
qabyo yuu noqon jaceylkeenu
qormo doogle aan uyagleelno

qawlsan horumarkii dunidaay
qumantaan ku qaatay runtaay
qiyaas li i midkaan ku qancee
laabtana qaab u degoow
kuu qiray dadnimo qaali
kuu qalay hanka iyo beerka
maan qubin taladii aad qorsheysay
mana qarin inaad iitahay qaase
quluubteena jaceylka mideeyay
niyadeenana qushuucda ku beeray
qormo doogle aan u yagleelno
qorshahaag waan kula qaatay
qabyo yuu noqon jaceylkeenu
qormo doogle aan uyagleelno

Exit mobile version