VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wardoon - Lyrics

dareen weheshada xiskiyo wadnaha dookhan hantiyay ayaa i walwalaayoo wixii aan dheef liqiyo waheey nasashada cishqigu wadaag buu igula yahay anigu waagii baryaba wadaan kaligay hayaa wardoon baan ahay kalgacal aduu wiilyahaw jacayl dhankaagii iiga wacayoo wacaal baan ka rabaa hadaan waayaha aduuniyo wakhtigu iga hiilinayn qalbigu wali kuu banaanoo berkayguna kuu wanqalan adiga midkii waaxyaha jidhkiyo waraabshay naftaa tahay iskeen soo waafaqsii dadaal waxaan ugu jiraa kun jeer aniga igu wayn inaan abid wada jirnee wareerkan igu jiriyo walaacu siduu u baxo samaha ugu weel bane waxyeelada cashaqu anigu wiirsiga ma rabo wixii aan noo cuntamin wanaagna noo ahayn dhexdeena ka weeciyo wacnaano igula soco hadaan waayaha aduuniyo wakhtigu iga hiilinayn qalbigu wali kuu banaanoo berkayguna kuu wanqalan adiga midkii waaxyaha jidhkiyo waraabshay naftaa tahay iskeen soo waafaqsii
Queue is empty
-- / --