VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Wardoon mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Nadiira Nayruus
Wardoon

dareen weheshada xiskiyo
wadnaha dookhan hantiyay
ayaa i walwalaayoo
wixii aan dheef liqiyo
waheey nasashada cishqigu
wadaag buu igula yahay
anigu waagii baryaba
wadaan kaligay hayaa
wardoon baan ahay kalgacal
aduu wiilyahaw jacayl
dhankaagii iiga wacayoo
wacaal baan ka rabaa
hadaan waayaha aduuniyo
wakhtigu iga hiilinayn
qalbigu wali kuu banaanoo
berkayguna kuu wanqalan adiga
midkii waaxyaha jidhkiyo
waraabshay naftaa tahay
iskeen soo waafaqsii

dadaal waxaan ugu jiraa
kun jeer aniga igu wayn
inaan abid wada jirnee
wareerkan igu jiriyo
walaacu siduu u baxo
samaha ugu weel bane
waxyeelada cashaqu
anigu wiirsiga ma rabo
wixii aan noo cuntamin
wanaagna noo ahayn
dhexdeena ka weeciyo
wacnaano igula soco
hadaan waayaha aduuniyo
wakhtigu iga hiilinayn
qalbigu wali kuu banaanoo
berkayguna kuu wanqalan adiga
midkii waaxyaha jidhkiyo
waraabshay naftaa tahay
iskeen soo waafaqsii

codkii Nadiira Nayruus