ehelbaad u tahay qurux
astaan waxaad u tahay samo
arxan ruux ku caaboo
la ishaaraybaad tahayee

edebtiyo asluubtana
waa lagugu ababshee
ifku waa ayaamee
adaa eed la'aan noole

ashqaraaray aadmigu aadmigu
qofba eray amaaniyo
ducoo kuu akhriyayaa

indhahaad ku tahay nuur
aqal waxaad ku leedahay
meelaan adiga mooyee
wali arag mid qudha arageey

anshaxiyo af gaabnida
adaa gaar u yeeshoo
aynigaa hablaha kacay
adaan kaala soo baxayee

ashqaraaray aadmigu aadmigu
qofba eray amaaniyo
ducoo kuu akhriyayaa

Exit mobile version