Dhaaxaan jacaylkii dhawroo ilaashoo
Dhag xumana u diidee
Mar haduu dhankaagii
Axdigii ka dheeliyay

Caashaqa lamaan dhalaneey
Dhibka iyo lurkiise
Dhaxaltooyo umaan helin
Dhafaarka dunidee

Laba caashaqa wada dhamay
Inay kala dhaqaaqaan
Dhacdo uguba maahee
Wada dhalashadeeniyo
Yay dhiman walaalnimo

Dharaaraha adkaadaa
Waxay dhalan rogaan ruux
Rajo dhaw ka quustee
Waayaha is dhaafaa
Qof adadag ma dhaawaco

Hawshiyo dhibkaan qabo ee
Dhakhso waan uga soo kaban
Adna dhago adayga waa
Waxaad ka dheeftaaye

Exit mobile version