Dirays qaate waxaan ahay
Dalka horumarkiisiyo
Dawladiisa jeceloo
Danta guud u heegana

Dumarkiyo caruurtiyo
Da'yartiyo cirooluhu
Kay ku diirsadeenee
U dadaalayaan ahay

Dambi ka hortag baan ahay
Marna dabagal baan ahay
Hadba meeshii loo diro
Nin diyaara baan ahay
Boolis daacadaan ahay

Nin dastuurka qaranimo
Daacad iugu adeegoo
Diin ku dhaarsan baan ahay
Difaacii dalkaan ahay

Nin digtoon baan ahay
Nin is dirayabaan ahay
Dulmi inaan ka dhiidhiyo
Dadnimada i faraysee

Dambi ka hortag baan ahay
Marna dabagal baan ahay
Hadba meeshii loo diro
Nin diyaara baan ahay
Boolis daacadaan ahay

Exit mobile version