Sida nuur qalbiga daaray
Dayax iyo if lagu raystay
Adiga dawooy maanka
Nal u daaray lagu doogay

Adigaa dumar deeqay ruuxdoo
Dar ALLEE qurux ii dabcaayee
Daawashada ruux isha deeqoo
Inta nool dumar aan ka doortaay

Daymo dhugashada kugu doogoo
Biyo dahabeey kugu diirsaday

Dawooy muuqa dusha dheeha dun wanaaga
Ashqaraarka dabcigaaga dadba dhaafay
Iyo duuda dibnahaaga xiiso daaray
Yaan dareenkadurba qaali la dubaaxshay

Sida waqal dhibcaha daadshay
Dirir iyo gu' lagu doogay
Dar ALLE adaa qaali
Kasha deeqayna doojay

Adigaa dagay dahrigaygoo
Doog ifaayaay hanka doojee
Dayax nuuriyo dirir hooraa
Xiska deeqaay kaama daale

Exit mobile version