Miyaad dhafartaa sidayda
Miyay kala dheerideenu
Dhibiyo kugu tahay dhibaato

Miyuu dhamac iyo jacaylku
Adiga kugu shiday dhinbiilo
Qof kaa dheer naawilaada
Rajada intaad ku dhawrto
Dhanbaalo miyaad u duubtay

Miyay dhugashada xasuuso
Naftaadu intay dhex qaaday
Riyada dhalanteed hagaayo
Maruun tidhi yaa dhabeeya
Qalbiga tabayaa dhigiisu
Intui fikir dheer abuuray
Niyada boholyow dharaaro
Dhabanka gacantaada saartay

Miyuu caashaqa dhibkiisa
Dhul kale ruux jira warkiisa
Misana ku dhayaysay boog
Kal iyo laab soo dhawaysay

Exit mobile version