Kashayda nalkaad ku daartay
Korkayga waakaa iftiimshay
Karaamada uunku sheegto
Korkaaga lagu idleeyay

Kalgacal waalidkii kusiiyay
Kusoo koriyaan xabiibii
Kal iyo laab uga duceeyay

Kalsoonidu waa cajiibe
Naftaad kalkoolinaysaa
Kun jeer kuu mahad naqaysa

Adaa kaafiyaay haweenka
Naflaha ugu wada koreeya
Kartida RABI kuugu deeqay
Ayaa dheertahay kufkaaga

Sidaad kali iigu tahay
Ayaan kuugu koobnohoo
Waxaad korisaa hankayga

Exit mobile version