Kala wacan nasiibkuye
midkeed naawilaysaa
Noocyo badan nasiibkuye
Niyadaada kee dagay

Ma nuur soo iftiimiyo
Nalka soo hilaacaa
Cideed naadinaysaa
Ma mid kuu nasteexaa

Naftaad is leeday
Waa kuu naruuroo
Nagaanshay ku siin
Bilay tahay dabiyo naar
Iyo nacabka caashaqa

Noolaha aduunyada
Yaa inuu ku naasibo
Nafta kula wadaagiyo
Aad u quudhilay nolol

Oo neef wadaagiyo
Yaa kuu nasiuma
Adna aad u nugusho
Nudahaaga yaad siin

Exit mobile version